AlShabaab oo sheegatay in ay qarax ku dishay askar Itoobiyaan ah

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan - Xoogaga Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qarax ku dileen 20 kamid ah askarta Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

War qoraal ah oo kooxda kasoo baxa ayaa lagu xusay in weerarkaasi jidgalka ah uu ka dhacay degaanka Halgan oo hoostaga degmada Buulaburde ee HirShabelle.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa xaqiijiyey jiritaanka qaraxa, balse waxay ka gaabsadeen khasaaraha, iyaga oo coksanaya macluumaadka saxda ah oo aysan hayn.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay Taliska Midowga Afrika si lamid ah hogaanka ciidamadda Itoobiya ee gobolkaasi.

Bishii hore ayay ahayd markii qarax isla gobolkaasi lagula eegtay uu waxyeelo daran kasoo gaarey ciidamada Jabuuti ee gobolkaasi kaga sugan qeybaha ugu badan.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa aalaaba weeraro isugu jira, kuwa toos ah, dabagal iyo qaraxyo miino la beegsata ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye.

Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo xuduud la leh is-maamulka Soomaali Galbeed ayaa kamida gobolada ay ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM