AlShabaab oo toogatay rag ay ku eedaysay Basaas-nimo [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa tuulada Yaaq Baraawe ee gobolka Baay, oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed, ku toogatay rag ay ku eedaysay in ay ahaayeen basaasiin.

Ragga oo tiradooda gaareyso shan ayaa magacyooda lagu kala sheegay; Aadan Muuday Maxamad, Ayuub Xasan Maxamad, Maxamed Isxaaq Xasan, Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, raggaan waxaa dambiga ku heshay maxkamad ay maamusho Shabaab, taasoo ugu dambeyntii xukun dil ah ku riday.

Xukunka oo lagu fuliyay ayaa ka dhacay sida caadada u ah Al-Shabaab meel fagaaro ah, iyadda oo ay goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan kooxda iyo dadwaynaha ku nool degaankaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu xukun noocan ah ay Al-Shabaab ku fuliso rag ay u haysto kiis lamid midkaan.

Bishii October 2018-kii ayay ahayd markii ay Shabaab meel fagaaro ah ku taalla degmada Jilib ku toogatay Shan ruux oo ku jiro nin ay sheegtay in haysto dhalashada Ingiriiska, kuwaasi oo ay kusoo oogtay jaasuusnimo.

Cawaale Axmad Maxamed, oo asal ahaan Soomaali ah kaasoo ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM