AlShabaab oo toogatay rag ay ku eedaysay Basaas-nimo [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa tuulada Yaaq Baraawe ee gobolka Baay, oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed, ku toogatay rag ay ku eedaysay in ay ahaayeen basaasiin.

Ragga oo tiradooda gaareyso shan ayaa magacyooda lagu kala sheegay; Aadan Muuday Maxamad, Ayuub Xasan Maxamad, Maxamed Isxaaq Xasan, Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, raggaan waxaa dambiga ku heshay maxkamad ay maamusho Shabaab, taasoo ugu dambeyntii xukun dil ah ku riday.

Xukunka oo lagu fuliyay ayaa ka dhacay sida caadada u ah Al-Shabaab meel fagaaro ah, iyadda oo ay goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan kooxda iyo dadwaynaha ku nool degaankaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu xukun noocan ah ay Al-Shabaab ku fuliso rag ay u haysto kiis lamid midkaan.

Bishii October 2018-kii ayay ahayd markii ay Shabaab meel fagaaro ah ku taalla degmada Jilib ku toogatay Shan ruux oo ku jiro nin ay sheegtay in haysto dhalashada Ingiriiska, kuwaasi oo ay kusoo oogtay jaasuusnimo.

Cawaale Axmad Maxamed, oo asal ahaan Soomaali ah kaasoo ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM