Al-shabaab oo toogatey dad basaasnimo lagu soo eedeeyey

Image

May 26, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa degmda Diinsoor ee gobolka Bay ku toogatey afar nin oo basaasnimo lagu soo eedeeyey.

Toogashada ayaa ka dhacdey goob fagaare ah, waxaana kasoo qayb galay boqollaal dadweyne ah iyo qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab.

Dadka la toogtey oo qaarkood lagu soo eedeeyey inay basaas u ahaayeen dowladda Kenya, wxaa lagu kala magacaabi jirey:

Cali Muuse Cali (26 jir), Xasan Cadaawe Maxamed (24 jir), Cukaash Cali Xaaji (39 jir) iyo Maxamed Nuur Cali Sooyaal oo (40 jir) ahaa.

Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee xukunka riddey ayaa sheegay in raggaas dambiga lagu soo eedeeyey ku caddaaday, qaar kamid ahina maxkamadda horteeda ka qirteen, sidaas darteedna lagu xukumey dil toogasho ah.

Al-shabaab ayaa laga soo bilaabo sanadkii hore ee 2014 toogatey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey qaar lagu soo eedeeyey basaasnimo iyo qaar kale oo lagu soo eedeeyey inay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM