Al-shabaab oo toogatey dad basaasnimo lagu soo eedeeyey

Image

May 26, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa degmda Diinsoor ee gobolka Bay ku toogatey afar nin oo basaasnimo lagu soo eedeeyey.

Toogashada ayaa ka dhacdey goob fagaare ah, waxaana kasoo qayb galay boqollaal dadweyne ah iyo qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab.

Dadka la toogtey oo qaarkood lagu soo eedeeyey inay basaas u ahaayeen dowladda Kenya, wxaa lagu kala magacaabi jirey:

Cali Muuse Cali (26 jir), Xasan Cadaawe Maxamed (24 jir), Cukaash Cali Xaaji (39 jir) iyo Maxamed Nuur Cali Sooyaal oo (40 jir) ahaa.

Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee xukunka riddey ayaa sheegay in raggaas dambiga lagu soo eedeeyey ku caddaaday, qaar kamid ahina maxkamadda horteeda ka qirteen, sidaas darteedna lagu xukumey dil toogasho ah.

Al-shabaab ayaa laga soo bilaabo sanadkii hore ee 2014 toogatey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey qaar lagu soo eedeeyey basaasnimo iyo qaar kale oo lagu soo eedeeyey inay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM