Al-shabaab oo weerartay saldhiggii ciidanka AMISOM ee Leego

Image

June 26, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa goor hore oo saaka ahayd weerar xooggan kusoo qaadday saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal xooggan oo khasaare nafeed oo badan geystey islamarkaana socdey muddo dhowr saacadood ah ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaas ka dhacay.

Al-shabaab ayaa dagaalka guul ka sheegatey, waxayna saraakiil ka tisan oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay dileen ugu yaraan 30 askari oo ka tirsanaa AMISOM.

Kooxd ayaa sidoo kale sheegatay inay la wareegtey gacan ku haynta deegaanka Leego, gawaari iyo hub tira badanna ay weerarkaas qabsadeen.

Marka laga yimaado sheegashada Al-shabaab, ma jiro wax war ah oo dagaalkaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM