Al-shabaab oo weerartey gaadiid sonkor u wadey Kenya

Image

June 1, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa weerartey kolonyo gaadiid ah oo gelinkii dambe ee shalay shixnad sonkor ah ka qaadey magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland kuna sii jeedey dalka Kenya.

Gaadiidkan oo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan militeriga Kenya, waxaa xilli ay marayeen duleedka Hoonsingo mid kamid ah lala beegsadey miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

Gaariga miinadu la kacday ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana intaas kaddib bilowday iska hor imaad muddo kooban socdey oo dhex maray mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Kenya.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaas, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in ugu yaraan saddex qof dhinteen, tiro intaas ka badanna dhaawac soo gaarey.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya maalmo kaddib markii Al-shabaab weerartey konlonyo ka tirsan booliska Kenya oo marayey meel u dhow tuulada Yuumbis taasoo hoos tagta magaalo madaxda gabolka Waqooyi Bari Kenya ee Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM