Somalia: Al-shabab oo laga qabsaday Baardheere

Image

July 22, 2015 (GO)- Ciidamada Dawlada Somaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dawlada oo  lagu magacaabo Siyaad Axmed Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in gudaha magaalada ay galeen labadii duhurnimo.kadib markii Alshabaab ay isaga baxeen magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya inaan lagu dagaalamin magaalada gudeheeda, balse bannaanka ciidamadu iska caabin aan sidaa u cuslayn kala kulmeen Alshabaab.

Xaalada magaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidamada huwantu saldhigyo ka samaysanayaan bannaanka magaalada.

Baardheere oo ah magaalo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay wax-soo-saarka beeraha, waxaa shantii sano ee ugu dambeeyey ka arriminayey Ururka Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM