Al-shabab oo weerartey kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya

Image

May 26, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban 15 askari ayaa dhintey dhowr gaarina waa la gubey kadib markii Al-shabaab goor hore oo saaka ah weerartey konlonyo ciidamada Kenya ka tirsan oo marayey meel u dhow deegaanka Faafi oo hoos taga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada la weeraray oo watey afar gaari ayaa kusii jeeday tuulada Yuumbis, halkaasoo dhowr maalmood kahor dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani muddo kooban la wareegeen dadkana ugu khudbeeyeen.

Gelenkii hore ee shalay waxaa isla deegaanka Yuumis ku dhaawacmey saddex askari oo ka tirsan booliska Kenya, kadib markii gaarigii ay wateen ay ku qaraxdey miido jidka dhinaciisa lagu aasey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee mileeshiyo Al-shabaab ahi gudaha dalka Kenya ku weerarto kolonyo militeriga dalkaas ka tirsan.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkaas dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM