Al-shabab oo xalay soo weerartey xabsiga dhexe ee Beledweyn

Image

August 10, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe soo weerartay xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyn.

Dagaal muddo nus saac ku dhow socdey ayaa dhex maray kooxda weerarka soo qaaddey iyo ilaalada xabsiga.

Gaashaanle Maxamed Cadaay oo kamid ah saraakiisha booliska Beledweyn ayaa warbaahinta u sheegay in ilaalada xabsigu weerarkaas si xooggan isaga caabiyeen.

Wuxuu intaas ku daray in wax khasaare ahi soo gaarin booliska haseyeeshee dhanka kale waxyeello xooggani soo gaartey.

"ciidamadu si xooggan ayey isaga caabiyeen kooxaha nabad-diidka...markii dambe way baxsadeen welina waa ku raad joognaa" ayuu yiri

Al-shabaab ayaa sanadkii 2011 laga saaray degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, haseyeeshee kooxda ayaa weli gacanta ku haysta deegaano dhowr ah oo gobolkaas ka tirsan.

Weerarka xalay ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeeyey hawlgallo militeri oo Al-shabaab ka dhan ahi ka soconayeen galbeedka gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM