Amar la dul dhigay askarta DF ee ka cabanaysa mushaar la'aanta

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaa faray askarta in aysan ka tagi karin goobaha ay dowladdu ku diiwaan-gelisay, isaga oo amray saraakiisha in ay fuliyaan amarkaasi.

Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa si cad u sheegay in askarigii kasoo taga aaga lagu diiwan-geliyay isla markaana taga goob kale uusan heli doonin xuquuqda uu dowladu ku leeyahay.

Mr Indhaqarshe oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay afar qodob oo uu xusay in kaliya askariga ku seegi karo diiwaan-gelinta ay xukuumada wado, taasoo kala ah sidaan soo socota.

1. Geeri

2. Dhaawac

3. Tababar

4. Fasax sharci ah

"Nin kastoo ka tirsan ciidamada xooga ee la diiwaan geliyay ama la diiwaan-gelin doono waa in uu ku fekeraa in ay waajib tahay in uu joogo goobtii ay dowladda ugu talagashay, cidii aan joogi iyaday kamid ma ahan," ayuu raaciyay.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xili todobaadyadii u dambeeyay degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ay kasoo baxeen fariisimahii ay kaga jireen cutubyo ka tirsan ciidamada xooga Soomaaliyeed.

Askarta oo kahor inta aysan soo faarujin saldhigyadooda kasoo muuqday muuqaalo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa tibaaxay in ka cabanayaan mushahar la’aan haysata bilooyinkii lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa isbuucaan sheegay in dowlada ay siisay qaar kamid ah ciidamada gunadooda, inta harsana ay yihiin kuwa aanan la diiwaan-gelin, howshoodana ay socoto.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hadalka Khayre ka falceliyay ayaa su'aal geliyay, waxayna ku tartarsiiyeen wasiirka koowaad iyo xukuumadiisa in ay is-casilaan, maadaama "ay ku fashilantay amniga iyo mushaarka ciidamada."

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA TALIYAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM