Amiirka Al-Shabaab oo hanjabaad kasoo saarey doorashada

Image
SAWIR HORE: Amiirka Ururka Al Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha maleyshiyada Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda, ayaa cod uu soo duubay wuxuu ugu hanjabay ergada ka qeybgaleysa doorashooyinka federaalka ee soo aadan ee Soomaaliya.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayuu ka dhawaajiyey in ay kasoo horjeedo geedi-socodkan.

"Ayaga [hogaamiyeyaasha] ma damaanad-qaadi karaan ammaankiina," ayuu ku yiri codkan oo lagu faafiyey warbaahinta taageerta dagaalameyaasha.

Ma cadda goobta iyo goorta lagu duubay codkaas. Hase ahaatee, maleyshiyaddu waxay sheegtay in la qabtey kadib weerarkii ay ku qaadeen Boosaaso bishii Maaj.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo xileedkiisa wuxuu dhamaadey bishii April, halka madaxweynaha uu ka dhacay Febraayo, 2021, waxaana xigay jahwareer siyaasadeed oo kusoo dhamaadey doorasho dadban.

Dhanka kale, golaha wadatashiga qaranka oo hadda mas’uul ka ah hanaanka doorashooyinka ayaa illaa haatan wax jawaab ah ka bixin hanjabaadda argagixisadda.

Bilowgii muddo xileedka dowladda Farmaajo ee waqtiga ka dhamaadey, magaalooyin ay caasimada Muqdisho kamid tahay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay ergooyinka soo xulay xubnaha baarlamaanka 10aad.

Dabayaaqaddii 2019-kii, waxaa soo ifbaxdey in Al-Shabaab ay degaanadeeda ugu yeertay inta ka hartey ergada iyo odayaasha dhaqanka. Qaarkood waxay sheegeen in todobaad ay la joogeen lagu sameeyay "dhaqan-celin".

Tani ayaa sarre waxay u qaadey cabsida ku saabsan in baarlamaanka soo aadan ay saameyn ku yeelato kooxda. Madaxtooyadda Soomaaliya waxay hore walaac uga muujisay in ay soo baxaan "sharci-dejiyeyaal Al-Shabaab ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM