​AMISOM oo baaraysa dada ay u gaysteen dil

Image

MUQDISHU, Somalia- Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay inuu baaritaan ku samayanayo wararka sheegaya in ciidamada Ethiopia ay dad shacab ah ku dileen gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

AMISOM ayaa sheegtay in Wararka Warbaahinta ay tebiyeen uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, islamarkaana aysan jirin dad shacab ah, oo ciidamada Ethiopia ku dileen gobolka Galgaduud.

War kooban oo AMISOM soo gelisay Boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri, "Ciidamadeena  waxay fashiliyeen weerar gaadmo ah, oo Al shabaab doonayeen inay ku qaadaan Kolonyo ay wateen duleedka magaalada Ceelbuur."

"Waan ka warhaynaa Warbaahinta Wararka ay sheegeen, balse kama warhayno Shacab ay Ciidankeena ku dileen gobolka Galgaduud," ayaa lagu sheegay Warka kasoo baxay Howlgalka AMISOM.

AMISOM waxa ay sheegtay in illaa hadda aysan caddeyn in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalkii dhex maray ayaga iyo al-Shabaab, sida warbixinada qaar ay sheegayaan.

AMISOM ayaa sheegtay in ciidankeeda ay sameeyaan Taxadir iyo feejignaan, xilliyada ay Howlgalka samaynayaan, sidoo kalena ka fogaadaan inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Warka AMISOM ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada Ethiopia ay 7 qof oo shacab ah ku dileen duleedka Wabxo iyo deegaanka Dac, iyagoo ka aargoosanayay Weeraro ay  kala kulmeen Al shabaab.

AMISOM waxay sheegtay in Al shabaab ay kordhiyeen weerarada bilooyinkii lasoo dhaafey, si ay u afgenbiyaan dowladda Somalia, uguna soo dabaalaan dalka Somalia Xukunadooda adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM