AMISOM oo baxaysa xilli DF weerar ku qaadayso Al Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - AMISOM ayaa soo saartey maanta War Saxaafadeed ay uga hadashay dhaq-dhaqaaqyada ay uga baxayaan dalka Soomaaliya, oo mudo 10 sano ah ay ka howlgalayeen tan iyo sanadkii 2007-dii.

Francisco Caetano Madeira, madaxa AMISOM ahna Ergayga Mdowga Africa ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay qoraalka in ciidamadooda ay wadaan hadda diyaar-garowii ay uga bixi lahaayeen dalka.

Wuxuu xusay in AMISOM bixitaanka uu waafaqsan yahay qaraarkii Gollaha Amaanka ee QM soo saareen 2017 ee tirsigiisu yahay 2372 kaasi oo ku baaqaya in Ciidamada si tartiib-tartiib ah loo soo saaro.

Madeira ayaa intaasi ku daray in AMISOM ay 2018 qeybteeda ugu horeysa faarujin doonaan Soomaaliya, iyadoo isla sanadkaasi mas'uuliyadda amaanka deegaanada ay joogaan ku wareejin doonaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

AMISOM waxay sheegtay inay tababar wanaagsan siiyeen siiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya mudadii ay dalka joogeen, islamarkaana ay ku kalsoon yihiin inay kala wareegi karaan amaanka.

"Waxaan ugu hambalyeynaynaa ciidamada amaanka Soomaaliya sida ay uga go'an tahay, oo diirada u saareen dhamaystirka tababaradooda sidoo kalena isku diyaariyeen inay mas'uuliyada amaanka AMISOM kala wareegaan deegaanada ay ku sugan yihiin," ayuu yiri Ambassador Madeira.

Hadalka AMISOM wuxuu kusoo beegmayaa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay maanta, kaasi oo ay ku sheegtay in AMISOM ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho duulaanka la qorsheynayo on lagu qaado Al Shabaab. Halkan ka akhriso.

Warar hoose Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Saraakiisha AMISOM ay diideen iney ka qayb qabtaan howgalada cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqey iyagoo sheegey iney ku adag tahay difaaca goobaha ay gacanta ku hayaan madaama aysan jirin ciidamo Soomaaliyeed ee kala wareega.

AMISOM ayaa dhinaca kale waydiisatey wadamada dhaqaalaha ka tageera Howaglada ciidamada Soomaaliya lacago farbadan balse arinkaas kama aysan Helin jawaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu ololihiisa siyasadeed ku galey In ciidamada shisheeye ka saarayo dalka hadii uu ku guuleysto talada wadanka ayaan xiriir dhow la laheyn sarakiisha AMISOM taasoo isbadalka ka muuqda aragtidiisa hore hadda kaga waayey tageero badan wadamadaan.

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM