AMISOM oo ciidamdeeda kala baxeysa dalka Somalia sanadka 2018

Image

Stuttgart- Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee jooga magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka General Thomas Waldhauser, iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa si wada jir ah u sheegay in ku dhawaaqistii Mareykanka uu dhawaan ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u dirayo ilaa iyo 40 askari aysan micnaheedu aheyn isbadal dhinaca istaraatiijiyada ah.

Waxaysa sheegeen in Mareykanka uu ciyaari doono door caawineed oo ah in ay ka taageeri doonaan ciidanka Soomaaliya dhinacyada tababarka.

Genereal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in hadafkooda tababarida ciidanka Soomaaliya uu yahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la wareegaan aminga marka la gaaro sanadka 2020-ama 2021-ga markaas oo la filayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada.

Dhinaca kale. Ambassador Francisco Madeira,oo ah madaxa qeybta rayidka ee howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2018. 

Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibadda yihiin ayaa hadda ka shaqeynaya sidi ay u tababari lahaayeen ciidamo gaaraya 28,000 oo askari oo loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga dalka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo gaaraya 22 kun oo askari.

Ciidankaas ayaa ilaaliya madaxda dowlada iyo ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka sida qaar ka mid ah dekdaha iyo garoomada diyaaradaha.

VOA

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM