AMISOM oo isbedel ku sameysay gelitaanka xarunta Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka midowga afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqay in hab maamuuska amaanka iyo nidaamka gelitaanka xerada Xalane isbedel lagu sameeyay.

Ka mid ah isbadaladaan, waa dib-u-qiimaynta waddooyinka laga galo xerada Xalane.

Bulshada Deriska la ah Xalane, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xaruntii hore ee Bukaan socodka AMISOM (OPD) hadda wixii ka dambeeya laga geli doono xagga iridda Medina.

Tallaabadan ayaa daruuri ka dhigtay xiritaanka dhammaan albaabadii hore loo adeegsan jiray [Bixid iyo gelid] waxaana dib-u-jiheeyay baabuurta oo kasoo geli doonaan xagga iridda Medina.

Tani waa mid waafaqsan nidaamka u degsan AMISOM ee dib u eegida hab maamuuska amaanka iyo ku dhaqan-kiisa.

Intaa waxaa dheer, AMISOM inay bilaabi doonto dib-u-diiwaangelinta dhamaan dadka rayidka ah ee ka shaqeeya xerada Xalane.

"Dhammaan shaqaalaha rayidka ah iyo qandaraaslayaasha waxaa lagu wargelin doona wixii isbeddel ah oo dheeraad ah oo ku saabsan hab maamuuska ammaanka xarunta Xalane," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.

AMISOM kuma sheegin war-saxaafadeedkeeda sababta ka dambeysa Isbedelkan, balse waxay wararku sheegayaan in laga cabsi qabo weeraro, oo suurta-gal ay tahay inay heleen ciidamada Midowga Africa xog khatar amni ah.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerartay Xalane tan iyo markii ay saldhigga ka dhigteen ciidamada AMISOM 2007, waxaana xarunta oo ku dhegan Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku shaqeeyay safaaradaha reer galbeedka iyo hay'ado ajnabi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM