​AMISOM oo ka dayrisay xaaladda dad ku nool Shabeellaha hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa laga soo dayrinayaa xaaladda bini-aadanimo dad ku nool qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfurta waddanka Somalia, halkaasoo ay ku suganyihiin dad kasoo barakacay dagaallo ka dhacay isla gobolkaas.

AMISOM, ayaa ku warantahay in dadkaa ku nool halka lagu magacaabo Number Konton, aysan haysan, waxay cunaan, cabbaan iyo hoy ay ka galaan kulaylka iyo qabowga habeenkii.

Afhayeen Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo wareysi siiyay Wakaaladda wararka Somaliyeed ee SONNA ayaa, ayaa xusay in dadkaas u baahanyihiin kaalmo dag dag ah, isagoo sheegay inay kasoo barakaceen colaadaha ka jira gobolka ee u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada huwanta ah ee dhinaca dowladda ka socda.

“Ku dhawaad 3,000 oo qoys oo barakacayaal ayaa soo gaaray xero ku taal deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dadkaasi maheystaan cunno, biyo iyo meel ay ka galaan kuleelka qoraxda iyo qabowga habeenkii,” Ayuu yiri Afhayeenku.

Kibet, ayaa dowladda Somalia iyo hay'adaha deeqaha bixiya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii dadkan looga samatixibin lahaa dhibaatada, wuxuuna ugu baaqay inay gaarsiiyaan gurmad deg deg ah.

Dadkan, ayaa kasoo barakacay deegaanada Shalaanbood iyo Ceel Jaale, halkaasoo ay dhibaatooyin ka gaysteen ururka Al Shabaab kadib markii ay gacanta ku dhigeen maamulka halkaas, waxayna dhalisay cabsi xoog leh oo dadku ka qabaan in lagu rido xukuno kala duwan.

Dhinaca kale, waxaa gobolkaas ka jirta abaar xoog leh oo sabab u noqotay macaluusha iyo dhibaatada soo food saartay shacabka iyadoo ay ka le'deen dhammaan hantidoodii oo isugu jirtay, beero iyo xoolo intabada.

Majirto wax war ah oo dhinaca dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Somalia kasoo baxday, balse dhibaatadan ayaa lamid noqonaysa midka haysata shacabka Somaliyeed ee la rafaadsan masiibooyinka isugu jira abaaraha iyo colaadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM