AMISOM oo ka hadashay Gaadiidkooda la mamnuucay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada AMISOM, ayaa ka hadlay waraaq kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir oo lagu mamnuucayay inay maraan gaadiidkoodu qaar kamid ah waddooyinka Muqdishu.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuusan wali soo gaarin amar xadidaya inay maraan waddooyin ay kamid tahay Maka Al Mukarama.

Kibet, ayaase qiray in tallaabadan ay ka arkeen baraha bulshada, balse ku dhaqankeeda ay sugayaan inta ay ka helayaan waraaq rasmi ah oo lasoo gaarsiiyo taliskooda.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale tilamamay inaysan qaadan doonin Warar ay ku arkeen Baraha Bulshada .

Mar wax laga weydiiyay inay tallaabadan qaadanayaan hadii go’aankan loo soo gudbiyo AMISOM, wuxuu sheegay inay ka fariisanayaa madaxdoodu islamarkaana qaadanayaa go’aanka kasoo baxa wada-tashigoodaas.

Isagoo sii  hadlaya Afhayeenku, wuxuu sheegay in AMISOM, u hogaansamayso dhammaan shuruucaha waddanka ka jira.

Kama uusan hadlin sababta loogu diiday inay maraan wadooyinka Mashquulka ah ee magaalada Muqdishu.

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in Gaadiidka AMISOM laga joojiyay marista Wadada dheer ee Makka Al-Mukarama, laga soo billaabo Isgoyska Sayida ilaa Isgoyska Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM