AMISOM oo kusoo biirtey howlgalka soo furashada dhakhaatiirta Cuba

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kusoo biiray dedaalada la doonayo in xorriyadooda dib loogu soo celiyo dhakhaatiirta Cuba ee u afduuban maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Kenya oo ka gaabsatay in ay shaaca ka dhigto fahfaahinta isku-dayada ay wadaan ayaa waxay xaqiijisay in soo furashada Landy Rodríguez iyo Assel Herrera Correa uu yahay layli u wada yaala taliska AU-da.

Afhayeenka xukuumadda Nairobi, Cyrus Oguna oo u waramay bogga 14ymedio, ayaa ku adkeystay in howlwadeenada caafimaad ay nool yihiin.

"Macluumaadka aan hayno waa in dhakhaatiirta ay nool yihiin wali," ayuu yiri. "Ma bixin karo tafaasiil dheeraad ah sababo ku aadan xasaadiyada macluumaadka iyo in aan ka fogaado in aan carqaladeeyo qorsheyaasha socda".

Wuxuu ku daray: "Dhamaan ciidamada ka tirsan Midowga Afrika ee Soomaaliya loo daabulay ayaa ka shaqeynaya sidii ay u xaqiijin lahaayeen arrintaas tan iyo markii howlgalka uu bilowday. Labada dhakhtar waa in aan soo badbaadinaa ayagoo ayagoo nool, wayna la midoobi doonan qoysaskooda".

Oguna ayaa qiray in ay "nasiib darro" tahay waqtiga dheer oo ay ku qaadatay in ay Landy Rodríguez iyo Assel Herrera Correa kasoo saaraan dhibta.

"Dowladda Kenya aad ayay walaacsan tahay maxaa yeelay waxay fahamsan tahay waqtiga adag oo ay ku jiraan qoysaska dhakhaatiirta, waxaana ay waydiisaneysaa in ay muujiyaan dulqaad aad u badan," ayuu kusoo afjaray hadalka.

Landy Rodríguez iyo Assel Herrera Correa oo kala qaabilsanaa daaweynta cudurada guud iyo qaliinka ayaa qayb ka ahaa dhakhaatiir ay xukuumadda Nairobi soo kireysatay kuwaasoo heshiis dowladeed ku jooga waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM