​AMISOM oo Lix ruux ku dishay Shabeellaha hoose

Image

QORYOOLEY, Somalia- Lix qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay Madfac ciidamada AMISOM ay ku dhufteen Gaari Xamuul ah, oo marayay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa la sheegay in qoriga loo yaqaano Baasuukaha  (RPG)  ay ku tuureen Gaariga, oo marayay deegaanka Xero 2-aad, oo 5KM dhanka Galbeed uga beegan degmada Habeenkii xalay abaare 8:30 p.m.

Mid kamid ah Elalada dadka ku dhintay weerarka, ayaa GO u sheegay in  Gaari oo ahaa nooca HOMY-da la weeraray xilli  uu Qudaar uu kasoo qaaday deegaanka Farxaane, kuna sii jeeday magaalada Baydhobo.

"Waxay ahayd arin aan aad uga naxnay, waayo dadka la dilay shacab masaakiin ah oo Ganacsato Qudaarlay ah ayay ahaayeen, waxaana loo dilay si arxan darro ah, oo aan bini'aadanimada ku jirin," Ayuu yiri Nin Walaalkiisa ku waayay weerarka.

Dadka ay AMISOM dishay ayaa kala ahaa 5 Rag ah iyo qof dumar ah, kuwaasi oo u kiraysnaa Gaari.

AMISOM kama aysan hadlin Dilka ay Shacabka ugu geesteen.

Dhacdadan ayaa ah middii ugu dambaysay falal xanuun badan oo shacabka kala kulmayaan ciidamada Midowga Africa ee ku howlgala magaca AMISOM, oo mandate-koodu yahay inay la dagaalaan Al Shabaab.

Todobaadkii tagey, Gaari ay Nooca gaashaaman ah, oo ay leeyahiin AMISOM ayaa Haweenay ku dilay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdishu, iyadoo ficilkaas ay aad uga argagaxeen shacabka Somaliyeed.

AMISOM ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay baarayso dilka Haweenayda ku dhimatay Shilka Gaari ee ka dhacay Isgoyska KM-4, ee Muqdishu.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia, taasoo inta badan aan wax tallaabo ah ka qaadin dilalka loo gaysanayo muwaadiniinta dalka ee aan waxba galabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM