AMISOM oo qabatay sarkaal ka tirsan AlShabaab oo qaraxyo siday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Arbacadii shalay ay gobolka Shabeellaha Hoose ku qabteen xubin sare ka tirsan Al-Shabaab kaasi oo watay walxo loo adeegsado qaraxyada.

Howlgalka AMISOM ma uusan soo bandhigin magaca dagaalamahaan qaybta ka ah kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida oo laga soo qabtay tuulada Baladul-Amiin oo ku dhaw Afgooye, oo sidoo kalena Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu xusay in ninkaan uu doonayay in walxaha qarxa uu ku beegsado gaadiidka ciidamada shisheeye si gaar ah kuwa sahayda isugu kala gudbiya gobolka.

"Dambiilaha oo aan su'aallo waydiinay waxaa lagu wareejiyey ciidamadda Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo dhigay barta gaarka ah ee howlgalka AMISOM ee Twitter-ka.

Ninkan ayaa lagu qabtey isagoo wata lix Remote-contro, oo ah Aalado lagu qarixiyo miinooyinka, sida AMISOM laga soo xigtay.

Illaa iyo haatan ma jirto wax jawaab ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay sheegashada ku saabsan ruuxaan ay gacanta ku dhigeen ciidanka AMISOM, kaasi oo aanan lasoo bandhigin muuqaalkiisa.

Balse, taliska ayaa saxaafadda u soo bandhigay sawirka walxaha qarxa oo ay sheegeen in uu watay shaqsigaasi.

Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-Shabaab ku xoogan tahay ayaa waxaa inta badan qaraxyo iyo weerar jidgal ah oo khasaaro geysta lagu beegsadaa ciidanka ajnabiga ah iyo kuwa xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM