AMISOM oo shaacisay qorshe cusub oo u dejisay doorashada 2021

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya [AMISOM] ayaa shaaciyay inay abuureen jawi xasiloon oo ay ku qabsoomi karto doorashada taariikhiga ah ee la filayo inay dadka ka qabsoonto sanadka 2021-ka.

Amniga ayaa kamid ah caqabaha ugu horeeya ee doorashadda dib-u-dhac ku keeni kara, balse AMISOM waxa ay aaminsan yihiin in xaaladda nabad-gelyo ee dalka ay tahay mid hagaagsan oo sidii hore ka wanaagsan.

Francesco Madeira, oo sidoo kale ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaciyay in dowladdu ay si balaaran isugu diyaarineyso coddeynta iyo inay ku qabsoonto waqtiga loo mudeeyay.

Isaga oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka AMISOM ayuu qiray inay jiraan talaabooyin laga maar-maan u ah doorashadda inay qabsoonto kuwaasi oo xusay.

Madeira ayaa carabka ku dhuftay in qodobada daruuriga ah ay kala yihiin; dhameystirka Dastuurka oo qaybo qoraal ah, horumar dhinaca siyaasadda ah, Doorka hogaamiyaasha iyo xasilooni siyaasadeed.

“Inaga waxaanu abuurnay jawi sugan oo suurtagalnineysa doorashadda,” ayuu shir jaraa’id ka sheegay Madeira, sida laga soo xigtay saxaafadda, xili uusan meesha ka saarin inay muhiim tahay ka go’aano dhinaca Madaxda ka timaada.

Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday inay horumar wayn ka sameeyeen dagaalka Al-Shabaab, inkasta oo kooxdu wali dhaqdhaqaaqyo ka sameysay dalka guud ahaan, ayna mararka qaar beegsato ciidamada AU-da.

Geesta kale, Madeira, ayaa kalsooni xoogan wuxuu ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto mustaqbalka dhow meel nabad oo amaan ah, wallow uu carabka ku adkeeyay inay jiraan dhibaatoojin haatan jira.

Gabagabadii, wuxuu shaaca ka qaaday inay kordheyso tirada hogaamiyaasha xoogaga Al-Shabaab ee kasoo goosaneysa kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo iyaga oo wata Hubkooda isku soo dhiibaya dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM