AMISOM oo shacab ku dishay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, ayaa 10 qof oo shacab ah ku dilay maanta oo Arbaco ah (25-ka October) duleedka Muqdisho, kadib markii qarax lala eegtay.

Warsame Cismaan, oo ku nool Lafoole ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in AMISOM ay si bareer ah dileen dadkaasi, kadib markii qoriga Baasuukaha ku dhufteen Iskuul ku yaalla Carbiska.

Dadka ku dhintay dhacdadan waxaa kamid ah Ardayd iyo Wariye lagu magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad oo katirsanaa Idaacadda Dayax, oo ka howlgasha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Allah ha u naxariistee Jacfar ayaa dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Agaasime ku-xigeenka Idaacadda uu ka howlgalayay, oo lagu magacaabo Maxamed Cali Zaad.

Warsame ayaa tilmaamay in arintan ay ka dambaysay weerar gaadmo ah oo Al shabaab ku qaadey Askar katirsan AMISOM oo saaka howlgal roondo ah ka sameyanayay inta u dhaxaysa Carbiska iyo Lafoole. Halkan ka akhri Warbixin.

"Qarax miino ayaa lagula eegtay Ciidamada AMISOM wadada xilli ay wadeen roondo amni, waxaana kadib weerar toos ah kusoo qaadey dagaalyahano katirsan Al shabaab," ayuu yiri Warsame Cismaan.

Wuxuu intaasi ku daray in AMISOM ay dhowr jiho ay rasaas u fureen markii qaraxa la kulmeen, waxaana rasaasta waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaasi wadada marayay.

Afhayeenka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, Lt Colonel Wilson Rono, oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in hal Askari uga dhintay weerarka Al shabaab, iyadoo mid kalena uga dhaawacmay.

Rono kama uusan hadlin khasaaraha shacabka kasoo gaarey iska-hor-imaadkii ay la galeen dagaalayanada Al shabaab, kaasi oo dadka deegaanku ay sheegeen in ugu yaraan 10 ruux lagu dilay.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin xasuuqa ciidamada AMISOM uu geesteen shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM