AMISOM oo "dabley AlShabaab ahayd ku dishay" Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka dhigay in ay gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen todoba dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in "maleyshiyadda ay qeyb ka ahaayeen weerar gaadmo ah laguna ekeeyay kolanyada oo ku guda jirtay roondo joogo ah".

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka kooban ee lagu daabacay ciwaanka AMISOM ee mareega Twitter-ka, dagaalameyaasha Al-Shabaab waxaa lagu dilay inta u dhaxeysa Beldamin-Golweyn.

"Ciidamada Uganda ee AMISOM oo ku guda jira roondo joogto ah si ay u sugaan waddada ugu weyn ee sahayda u dhexeysa Beldamin-Golweyn saldhigyada hawlgalka hore ee Shabeellada Hoose ayaa maanta [Talaadadii] isaga caabiyey weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab soo qaaday," ayaa lagu yiri qoraalka gooban.

Bayaanka ayaa waxaa la raaciyey: "Intii lagu guda jiray weerarka rogaal celiska ah, 7 argagixiso ah ayaa la dilay halka kuwo kale ay soo gaareen dhaawacyo iyo hub kala duwan oo la helay".

"AMISOM waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo tallaabada deg-degga ah ee askarteeda taas oo uu dhaawac ka soo gaaray hal nabad -ilaaliye," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ee howlgalka.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya iyaddoo mas'uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ay ku eedeeyeen ciidamadda AMISOM ay dileen dad shacab ah oo uu ku jiro oday waayeel ah. Ma soo bandhigin caddeymo waafiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM