AMISOM oo wajahaysa cadaadis iyo cambaareyn [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa dhexda uga jira mushkilad culus, kadib markii Ciidamo u dhashay Burundi ay Muqdisho ku dileen afar qof oo shacab ah Talaadadii lasoo dhaafay.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay dilka shacabka, waxayna AMISOM ugu baaqday inay baaritaan dhab ah ku sameyso kiiskan.

Amnesty International ayaa dalbatay in cadaaladda lasoo taagi Askartii ka dambeysay toogashada afarta ruux ee shacabka ah, taasoo ka dhacday nawaaxiga Ex-control Balcad ee degmada Heliwa.

Goobjooge-yaal ayaa u sheegay hay'adda inay arkeen ciidamada Burundi oo rasaas ku furay afar qof oo aan hubeysnayn oo ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn goob lagu qarxiyay kolonyada AMISOM.

Ciidamada Burundi ayaa tacshiiradda ku furay markii miino wadada qarkeeda lagu aasay ay haleeshay mid kamid ah gaadiidkooda xilli ay yimaadeen dhanka xerada Maslaxa, kuna sii jeedeen Xalane.

"Dilka argagaxa leh ee ay geysteen askarta mas'uuliyadoodu tahay inay difacaan shacabka waa in si buuxda, oo madax-banaan u baarto AMISOM, iyadoo cadaaladda lasoo taagayo kuwii fuliyay," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartey Human Rights Watch.
AMISOM oo ka jawaabtey eedeymaha iyo dalabka Amnesty International ayaa sheegtay in aysan indhaha ka laaban doonin falkan, islamarkaana fulin doonto cadaaladda, waxaana ay ka dirtay dilka tacsi.

"AMISOM waxay ka qoomameynaysaa dhimashada rayidka, waxayna tacsi u diraysaa eheladooda, ma nasan doono illaa aan ka ogaano xaqiiqda, cadaaladdana fulino," ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa Muqdisho lagu qabtey dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka AMISOM ay shacabka u geysatay, iyadoo dowladda Federaalka madaxdeeda ay dhacdadan war kasoo saareen.

War-Saxaafadeed shalay ay soo saartey Xukuumadda Soomaaliya ayaa camabaareeyay dilka afarta qof, waxayna ugu baaqday AMISOM inay baarto xilli ay dhacdan cabsi ku abuurtay shacabka Muqdisho oo dilal kala kulma ciidamada DF iyo kuwa AU.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM