AMISOM oo war kasoo saartay amniga doorashada 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa Howlgalka AMISOM, ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa  rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka ay nabadeyn doonaan kahor doorashada la filaya inay noqoto qof iyo cod ee 2020.

Madeira, oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaasoo tababar loogu furay xubno ka socday Guddiga Doorashooyinka Madaxabanaan ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha amniga iyo khatarta Al-Shabab.

Wuxuu tilmaamay in doorka AMISOM ee ku aadan xaqiijinta amaanka guud ahaan ee dalka iyo goobaha cod-bixinta ay noqon doonto mid muuqda, ayna dar-dar gelin doonaan howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ka hor doorashadda 2020.

"Tababarkaan waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid sare u qaada aqoonta xubnaha Guddiga, ayna kasoo baxaan qodobo muhiim ah. Waxaan balan-qaadayaa in doorka AMISOM ee amaanka, wuxuu noqon doonaa mid muuqda," ayuu yiri Francisco Madeira.

Doorashadda Soomaaliya ee sanadka 2020 ayaa la rajeynayaa inay noqoto mid qof iyo cod, laakiinse ku saleysan hanaanka awood qeybsiga qabiilka ee 4.5, marka loo eego qaabka ay Xisbiyadda siyaasadda ugu yeelan doonan Baarlamaanka Kuraasta

Guddiga ayaa marar badan ku cel-celiyay inay qabsoomi karto doorashadda qof iyo cod ee sanadka 2020, iyadoo ay qireen inay jiraan caqabado badan oo ugu horeeyaan amaanka, dhaqaalaha iyo degaano badan oo aan wali gacanta dowlada ku jirin.

Hadalka Francisco Madeira wuxuu kusoo beegmayaa xili dhowaan howlgalka uu ka dhawaajiyay inuu sare u qaadayo Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan degaanadda ka maqan gacanta dowladda ee ka tirsan guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM