Amni xumada Soomaaliya iyo gadoodka Ciidamada oo war laga soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa qoraal wadajir ah oo shan qodob ka kooban kasoo saarey amni xumada iyo gadoodka ciidamada xoogga dalka.

Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, ILAYS iyo UPD, ayaa War-Saxaafadeedkooda ku sheegay in shir deg-deg ah oo ay isagu yimaadeen ay uga hadleen qaraxyada Muqdisho iyo daryeel la'aanta ciidamada ee soo faarujinaya aagagii difaaca.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in amni xumada kusoo korartay Muqdisho ay sabab u tahay fashilka Xukuumadda Soomaaliya ee ah inay sameyso qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran, heshiis la'aan siyaasadeed iyo kasbasho la'aan kalsoonida shacabka.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA XISBIYADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM