Amniga Baydhabo oo walaac laga muujiyay, Shariif Xasan oo ilaaladiisa bedelay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan ayaa sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online bedalay ilaalada Madaxtooyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Tallaabadan oo xalay dhaqan-gashay ayaa timid markii lagu kalsoonaan waayay ciidamada ilaaliya aqalka looga arrimiyo Koonfur Galbeed, xili Baydhabo uu ka socda dhaq-dhaqaaq xoog leh oo mushararixiinta ay wadaan kahor doorashada November.

Taliyayaasha iyo ciidamada ilaalada Madaxtooyadda qaarkood ayaa la sheegay in daacadnimo u muujiyeen musharaxiin ay isku qabiil kasoo jeedeen, oo tartan kula jira Madaxweyne Shariif Xasan, oo mar labaada isku soo taagey xilka Madaxweynaha KG.

Wararka ayaa intaas ku daraya in isbedalka lagu sameeyay ilaalada Madaxtooyadda uu sameeyay Xilldhibaano, xalay la balansanaa Shariif, iyagoo loo diiday gelitaanka Xafiiska Madaxweynaha.

Dhanka kale, Ilyaas Cali Xasan oo katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee Baydhabo iyo faragelinta doorashada maamulkaasi, isagoo ugu baaqay shacabka inay midnimadooda adkeeyaan.

Musharaxiin hubeysan, oo wata ciidamo u gaar ah ayaa ku sugan magaalada Baydhabo, taasoo keentay walaaca dhanka amniga ah iyo in doorashada aysan si nabad ah u qabsoomin.

Doorashada Koonfur Galbeed oo qabsoomaysa 17 bisha dambe ayaa sanadkaan ka xamaasad badan kuwii hore xili lagu eedeeyay dowlada Federaalka inay taageerayso musharaxiinta qaar, oo hub, ciidan iyo dhaqaalo siinayso si ay kusriga ugu guuleystaan.

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta-Gareen, ayaa dhawaan Baydhabo la tagey gawaaridda aan xabaddu karin [Bullet-Proof] iyo ciidamo ilaalo u ah, oo Muqdisho kala yimid.

Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow ayaa isna Baydhabo ku sugan, oo olole xooggan kawada magaalada, isagoo ay ilaalinayaan rag hubeysan, oo horey u watey, qaarkooda Al-Shabaab kasoo goostay.

Xilldhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka sheegeen in Madaxwayne Farmaajo uu dhaqaalo ku bixinayo murashaxiin ay daba ka riixayso Villa Soomaaliya oo gadiid, hub iyo ciidamo la tegay Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM