Amniga doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo laga shiray

Image
Image
Doorashadan ayaan wali la muddeyn. Balse, waxay u badan tahay in ay jadwaleeyaan madaxda golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtida maanta ah wuxuu guddoomiyey kulan looga hadlayay u diyaar garowga amniga doorashada Golaha Shacabka.

Rooble ayaa shirkan  la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, AMISOM iyo Booliska UN-ka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada," ayuu yiri xafiiska wasiirka koowaad ee dalka.

Dhanka kale, Rooble ayaa isla maanta wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Sida laga soo xigtey bayaan uu faafiyey xafiiskiisa, is-aragan ayaa waxay uga wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii  ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii  wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas," ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Doorashadan ayaan wali la muddeyn. Balse, waxay u badan tahay in ay jadwaleeyaan madaxda golaha wadatashiga qaranka. Warar soo baxaya waxay xusayaan in ay dhowaan yeelan doonan kulan ay u dhan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM