Amniga Muqdisho oo looga doodayo kulanka Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya fadhigii koowaad ee Kalfadhiga afaraad, kaasoo ka qabsoomi doonta xarunta Sharci dejiyaasha ee magaalada Muqdisho.

Qodobo xasaasi ah ayaa looga doodi doonaa fadhigaan, sida laga soo xigtay xoghaynta Gollaha, kaasoo saxaafadda usoo bandhigay nuqul kamid ah Ajandayaasha looga hadlayo kulankaan.

Amaanka ayaa ah macduuca koowaad oo ay xubnaha sharci dejinta ka doodi doonan, waxaana mudane uu ku leeyahay Fadhiga dhowr daqiiqadood, kaasoo uu kusoo bandhigayo ray'yigiisa ku saabsan nabad-gelyadda caasimada oo liidata.

Amniga magaalada ayaa mudooyinkii dambe sii xumaanayay, waxaana kulanka maanta ee gollaha shacabka kusoo beegmayaa xilli habeenkii sabtida qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Mursal Barrow.

Ajandaha kale ee kulanka maanta lagu gorfaynayo waxaa kamid noqon doona dhibaatooyin ay Xilldhibaanadda qaarkood sheegeen inay ka haysto gelitaanka Villa Soomaaliya, halkaasoo ilaaladda Sharci dejiyaasha ku waydiiyaan Aqoonsiyo dheeri ah.

Amaanka aqalka looga arrimiyo dalka ayaa si wayn loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii Labo jeer oo xiriir ah qarax lagu weeraray Kontaroolka koowaad ee Madaxtooyadda bilooyin kahor, taasoo dhalisay khasaaoorin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM