Amniga Soomaaliya see wax looga qaban karaa? [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa maalintii labaad ku kulmaya magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlaya sidii wax looga qaban lahaa amniga iyo Siyaasadda dalka.

Madaxda Soomaalida ayaa Khudbado kale duwan, oo intooda badan hal meel ku qotamay ayaa waxay dib u eegis ku sameynayaan wixii ka qabsoomay go'aanadii kasoo baxay shirkii London ee dhacay bishii May iyo caqabadaha taagan.

Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland ayaa Khudbadiisa uu ka jeediyay madasha ku sheegay in amniga Soomaaliya wax looga qaban karo labo xaaladooda, oo kala ah in lala dagaalamo Fekerka Al Shabaab iyo in ciidamada dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo AMISOM ay sameeyaan howlgal midaysan.

Wuxuu xusay Axmed Madoobe in dowladda Federaalka maanta ay heli karto taageerada shacabka hadii ay qaado howlgalka wadajir ah, ee Al Shabaab looga cirib-tirayo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Madoobe wuxuu hoosta ka xariiqay in hadii aan la helin labadaasi qodob ay howsha amniga halkeeda joogi doonto, islamarkaana maalin walba shir aan micno lahayn la isagu imaan doono.

Hadii aan Al Shabaab dhanka Fekerka lagala dagaalamin, sidoo kalena la sameynin howlgal military oo midaysan dalka Soomaaliya laguma soo celin karo nabada iyo kala dambeynta.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaan la ogeyn inay qaadan doonto Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Muqdisho oo maanta wajigiisa labaad looga hadlayo arrimaha Siyaasadda dalka.

Shirkan wuxu kusoo beegmayaa xilli 31-ka bishan Decembey ay ciidamada AMISOM billaabayaan ka bixitaankooda Soomaaliya, waxaana wajiga koowaad la qaadayaa 1,000 Askari oo u dhashay Uganda.

Sida uu qorshahu yahay, goobaha ay ka baxayaan AMISOM waxaa lagu wareejin doonaa ciidamada dowladda Federaalka, oo mudo billooyin ah aan la siinin wax mushaar ah iyo xuquuqdii kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM