​AMSIOM: Amarka dowladda kaliya ayaa ka soconaya Cadaado

Image

CADAADO, Somaliya - Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jeneraal Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in amarka dowladda Federaalka Somaliya oo kaliya uu ka soconayo magaalada Cadaado.

Subagle oo Saxaafadda kula hadlayay Cadaado, ayaa xusay in AMISOM ay la wareegtay mas'uuliyadda amniga Garoonka Diyaaradaha Magaalada, islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan amarka dowladda.

Taliyaha AMISOM ayaa tilmaamay in Mas'uuliyiinta Galmudug ay kala hadleen in wixii siyaasad ah ee ay isu hayaan inay dhexdoodu dhameystaan, islamarkaana ay faraha kala baxaan amniga Garoonka, taasina ay ka aqbaleen.

Sababta AMISOM ula wareegtay Amniga Garoonka Cadaado, ayuu ku sheegay Jeneraal Subagle inay fududeeyan kaalmada Hay'adaha caalamka u keenayso shacabka dhibaataysan ee reer Galmudug.

"Hadda kadib intaan annagu joogno, waxaana rajeynaynaa in wax xabad ahi amaba toogasho ah ka dhicin Garoonka Diyaaradaha iyo guud ahaan magaalada Cadaado," ayuuu yiri Jeneraal Subagle.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale la wareegtay amniga guud ahaan Cadaado, oo mudooyinkii dambe ay isku hor-fadhiyeen Ciidamo ay kala wataan Siyaasiyiinta isku haya madaxtinimada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM