Dood ka timid Ansixinta Hindise Sharciyeedyada Xukuumadda

Image

GAROOWE, Puntland - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa soo saarey War Saxaafadeed ay kuu dalbanayaan in la hakiyo Hindise sharciyeedyada Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraalkan oo soo baxay 14-kii bishan November ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas", ahna gudoomiyaha Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada [GIDG].

Warqaddan ayaa waxay u direen hogaamiyaasha maamuladda Gudoonada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka dalbanaya inaysan ansixin sharciyada xukuumadda usoo gudbiso.

GIDG oo cuskanaya qodobka 3-aad ee Dasrtuurka, farqadiisa "C" ayaa sheegay in Hindise sharciyeedyada ay soo gudbiyaan Xukuumadda uusan ansixin karin Baarlamaanka iyadoo aan lagala tashan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxay sheegeen in hadii la hareermaro la-tashiyooda dastuuriga ah ay adkaan doonto dhaqangalka Hindise Sharciyeedyada cusub inuu ka dhaqan galo goobaha ay maamulaan dowlad goboleedyada.

GIDG ayaa ka codsaday si gaar ah Xubanaha Aqalka Sare ee matala maamul goboleedyada inaysan ansixin dhamaan Hindise sharciyeedyada Wasaaradaha soo gudbiyeen inta ay Xukuumadda Khayre ka fulinayso qodobada heshiiskii ay la galeen 5-tii bishan, iyo qodobka 54-aad ee Dastuurka.

Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa xusay inay jireen sharciyo dhowr ah oo dhawaan Gollaha Shacabka soo ansixiyeen, kuwaasi oo uu kamid ahaa Hindise sharciyeedkii Biyaha, kaasi oo lasoo gelin wax wadatashi ah.

Halkan ka akhri War Saxaafadeedka GIDG:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM