António Guterres oo baaq cusub kasoo saarey xaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha guud ee Qaramadd Midoobay, Antonio Guterres, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya, sidda uu sheegay Farhan Haq, oo ah Ku Xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud.

Farxaan oo war qoraal ah soo saarey ayaa shaaca ka dhigay in Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ay ku baaqeyso in degdeg loo dhameyatiro heshiiska doorashooyinka heer Qaran ee 2020-21.

"Xoghayaha Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Xoghayaha Guud wuxuu ku boorinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar".

"Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka," ayuu hoosta ka xariiqay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo xiray: "Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada".

Hadalka Guterres ayaa wuxuu imaanaya saacado kahor shirka Golaha Ammaanka ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya kaasoo uu warbixin ka jeedin doono ergayga UN-ka, James Swan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM