Antonio Guterres oo ka hadlay ismiidaamintii Gaalkacyo

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee Al-Shabaab ka fulisay Gaalkacyo Jimcadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Stephane Dujarric, afhayeen u hadlay Guterres, ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo ehelka iyo asxaabta marxuumiinta falkaas, isaga oo soo kabasho deg-deg ah u rajeeyay dadka kale ee ku dhaawacmay.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, Antonio Guterres ayaa wuxuu rajeynayaa in ay cadaaladda wajihi doonan kuwii geystay falkaas.

"Xoghayaha guud wuxuu u xaqiijiyey Dowladda Soomaaliya in Qaramada Midoobay ku garab-taagan tahay la dagaalanka argagixisada, xagjiriinta mayalka adag iyo dambiileyaasha kasoo horjeeda in dalka la xasiliyo, la nabadeeyo, hoddana uu noqdo," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Inta la xaqiijiyey 15 ruux ay ku jiraan taliyeyaal ciidan, mas'uul hore, askar iyo shacab ayaa ku naf-weyday is-qarxintaas uu naftii-haligaha ku beegsaday banaanka garoonka kubada cagta Cabdullaahi Ciise.

Weerarkaas ayaa dhacay daqiiqado kahor inta Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uusan soo caga-dhigan qalcadda halkaasoo lagu wadday in uu kula hadlo dadweynaha koonfurta xarunta gobolka Mudug.

Isaga oo Sabtidii ka hadlayey duugta marxuumiinta, Rooble ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowladda u aar-gudi doonto saraakiisha la leelay. Balse masoo hadal-qaadin waxay uga qorsheysan qoysaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM