Antonio Guterres oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah soo gaarey magaalada Muqdishu, ee caasumadda Soomaaliya.

Guterres waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay sii hayaha xilka wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdisalaan Hadliye iyo Mas'uuliyiin kale, waxaana loo galbiyay dhanka Villa Somalia, oo uu kula kulmayo Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada mas'uulkan ee Muqdishu ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay u kuur-galista xaaladda bini'aadanimo ee ka jirta xilligan dalka Somalia, oo dhawaan QM ku dartay Liiska Saddex dalka oo qarka u saaran inay macluul ka dilaacdo.

Antonio ayaa sheegay in Xaaladda Abaarta Somalia ay gaartay heerkii ugu sareeyay, sidaasi darteedna Caalamka looga baahan yahay inuu si deg deg ah uga jawaabo, gurmadna usoo gaarsiiyo shacabka.

 Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres ayaa Shir jaraa'id ku qabyay Villa Somalia waxaana ay uga hadleen Abaarta, iyagoo ka codsaday Beesha caalamka inay gargaar bini'aadanimo  usoo dirto Somalia.

Wararka ayaa sheegayo in Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres ay u socdaalayaan Magaalad Baydhobo, ee xarunta Gobolka Baay oo kamid ah goobaha sida aadka ah u saamaysay abaarta.

Shalay waxaa Muqdishu soo gaarey Madaxa arrimaha Gargaarka QM Stephen O'Brien, oo isna qiimeyn ku samaynayo xaaladda bini'aadanimo iyo dhibaatada Abaarta ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM