Aqalka Cad oo ku dhawaaqay go'aan ka dhan qaxootiga Soomaalida ah

Image

WASHINGTON, US – Soomaalida rajeyneysa in ay waddanka Mareykanka ku galaan qaxooti ahaan lama aqbali doono dalabkooda hadii aysan haysan cudurdaar bini'aadanimo oo gaar ah, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

War-saxaafadeedkan uu ku saxiixan yahay madaxweyne Donald Trump ayaa Soomaaliya ku daray "meelaha ay ku xoogan yihiin ururada argagixisada".

Go'aankan oo soo baxay Arbacada todobaadkii lasoo dhaafay ayaa daba socday talaabo uu Donald Trump hoos ugu dhimay qaxootiga galeysa Ameerika.

Sidda ku cad bayaanka, sanadka soo aadan waxaa kaliya Mareykanka loo ogolaan doonaa in ay galaan 15-kun kuwaasoo afar kun oo kamid ah ay ka imaan doonan Ciraaq; kun kalana laga rajeynayo El Salvador, Guatemala ama Honduras.

Tirada uu Trump ku dhawaaqay ayaa noqoneysa heerkii ugu hooseyay tan iyo 1980. Madaxweynihii ka horeeyay, Barack Obama, wuxuu 2018-kii ogolaadey 85-kun; halka sanadkii 2017-kii aqbalay in ka badan 53-kun oo soogaloogi ah.

"Shaqsiyaadka ka imaanaya halista ugu jira ama ay maamulaan argagixisada sidda Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen laguma ogolaan doono qaxooti ahaa, marka laga reebo qaarka la yimaada cabasho bini'aadanimo oo gaar ah," ayaa la raaciyey.

Tan iyo markii uu qabtay xilka ugu sareeya Mareykanka afar sano kahor, Trump oo dib-u-doorashada u ordaya ayaa bedelay siyaasada socdaalka Mareykanka, isagoo beegsaday wadamada dadkooda Muslimiinta yihiin oo Soomaaliya ay ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM