Aqalka sare ee Soomaaliya iyo IGAD oo kawad hadlay colaada Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtada ah ee Gollaha Aqalka sare, aytaa qaabilay wafuud uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha dalka, mudane Maxamed Cali Guyo, maanta oo Khamiis ah.

Illo ku dhow kulanka ayaa u sheegay warbaahinta dhinacyadda ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan khilaafka maamulada iyo dowlada dhexe, si lamid ah colaada Tukaraq.

Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, oo kulanka kadib uwaramay war-fidiyeenka ayaa daboolka ka qaaday in dhinacyadda ay isla meel-dhigeen dhamaan qodobadii miiska u saarnaa.

Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in Ergayga IGAD uu bogaadiyay kaalinta uu Aqalka sare ka ciyaarayo xalinta khilaafka dowlada goboleedyada iyo dowlada Federaalka, isaga oo ku dhiirogeliyay inay sii wadaan.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dhinacyadda ay isla garteen muhiimada ay leedahay inay ka shaqeeyaan si lamid ah sidii xal loogu heli lahaa colaada daxaleystay ee ka aloolsan tuulada Tukaraq.

Tukaraq oo ah degaan ku yaala sohdinta Somaliland iyo Puntland waxaa dagaal kula wareegay ciidamada maamulka Hargeysa xili wixii intaas ka dambeeyay ay ka dhaceen dagaalo kharaar oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay.

Beesha caalamka ayaa madaxwaynayaasha maamulada ku cadaadiyay inay xal u keenan colaada, taasi oo ay haatan muuqato inaanan wali la helin xili dhowr jeer laga soo wariyay Aaga rayidka ka caagan dagaalo goos-goos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM