Aqalka sare oo qoraal kasoo saarey khilaafka maamulada iyo dowlada Federaalka ah [AKHRI]

Image

MUQDISHO (GO)- Kadib markii aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ka baaqsadey ka qayb galka kulankii wadajirka ahaa ee furitaanka golaaysha wakiilada ee dhacey 10 Sept,2018 ayey waxay soo saareen maanta qoraal afar qodob ka kooban kaasoo ay kaga hadlayaan khilaafka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada dhexe.

Qoraalkaan kasoo baxey aqalka sare oo ku taarikhaysan 12 Sept,2018 ayay waxay ku sheegeen in kulan ay isugu yimadeen guddigooda joogtada ah ku go'aansadeen iney wufuud u kala diraan xarumaha maamulada Soomaaliya si ay ugu soo kuur-galaan xaaladaha amni , siyaasdeed, nololeed iyo midda federaaleybta  ee dalka si xal looga gaaro khilaafka taagan.

"Si wufuuda aqalka sare u dirayo dhamaan dowlad goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana mira dhaliyo xal u helida khilaafka iyo is-maandhaafka taagan, guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lug leh abaabulka mooshinada ka dhanka ah madaxda kala duwan ee maamul goboleedyada si ay fursad u siiyaan dadaalada xal doonka ah ee golaha aqalka sare ku raadinayo xasiloonida siyaasdeed iyo is-fahan guud." ayuu lagu sheegey qoraal kasoo baxey guddiga joogatada ah ee aqalka sare Soomaaliya.

Aqalak sare ayaa qoraalkiisa sii raaciyey in Madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka ah joojiyaan talaabooyinka sii hurinaya khilaafkaan jira iyagoo shacabka Soomaaliya ka codsadey iney ku taageeran dadaalka ay wadaan.

Dowlada Federaalka gaar ahaan madaxda sare ayaa waxay horey u wiiqeen doorka aqalka sare uu ku leeyahay siyaasada dalka Soomaaliya madaama dastuurka KMG ah uusan hadda siineyn awoodo uu kula xisaabtami karo golaha fulinta marka loo eego aqalka hoose kaasoo xukuumada iyo Ra'isal wasaaraha dalka ansaxiya kalana dira kara.

Dhinaca kale madaxda maamulada Soomaaliya oo shacabka ay madaxda u yihiin aqalkaan ku matalo siyaasada Federaalka ma aysan siin doorkooda la tashi Xildhibanaada aqalka sare Federaalka kuwasoo aan ogoleyn iney kamid noqdaan guddiyada uga qayb gala wada-xaajoodyada arimaha laysku hayo, waxayna magacowdaan shaqsiyaad xafiisyadooda ka shaqeeya ama kuwa ay isku beelo hoose yihiin oo u ilaalilya danaha gaar ah ay ka leeyihiin danta guud ee shacabka.

AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM