Aqalka Sare oo ansixiyay hindise sharciyeedka dhisida gudiga naafada qaranka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta oo Arbaco ah meel-mariyay ansixiyay hindise sharciyeedka dhisida gudiga naafada qaranka.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa shir gudoomiyay kal fadhiga 4aad, fadhigiisii 12aad oo ay soo xaadireen 31 senataro kaasoo lagu ansixiyay sharcigan nafadda, oo dhawaan kasoo gudbiyay Gollaha Shacabka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, ee Xukuumadda Soomaaliya, Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa Xubnaha Gollaha Aqalka Sare uga mahadcelisay meelmarinta hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda naafadda qaranka.

"Waxaa sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka noqday ansixinta hindise sharciyeedka dhisidda Hay’adda Dadka Naafada ah ee Aqalka Sare. Mahad ballaran waxaa leh guddoonka & Senatoorrada dadajinta ansixintiisa baahida loo qabo sharciga," ayay tiri Deeqa.

Dadka naafadda ah ayaa qaarkood dood ka keenay sharcigan lagu dhisayo hay'adda naafadda qaranka, iyagoo sheegay in aan laga wada qeybgelin, sidoo kalena u afduuban tahay shaqsiyaad qaar oo dhaqaale ku raadsad raba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM