Aqalka Sare oo codkiisa ku biiriyay baaqa nabadeed ee dagaalka Sool

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dhinacyadda ay udhaxeyso colaadda dib uga qaraxday tuuladda Dhumay ee gobolka Sool inay joojiyaan dagaalka.

Dagaalka oo dib uga soo cusboonaaday degaankaasi oo 30-KM u jira Laascaanood Isniintii todobaadkan ayaa sababay dhimashada in ka badan 50 ruux, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Gudoomiye Cabdullaahi oo ka hadlay kulan uu maanta yeeshay Gollaha wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in dhiig Soomaaliyeed uu udaanayo waxyaabo aanan mac-wayno lahayn.

Wax-garadka iyo Siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay Cabdi Xaashi inay qaataan door hogaamineed, isagoo ku tartarsiiye inay ka shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisada, inkasta oo xaaladu degan tahay haatan.

"Ugu horeyn, baaq nabadeed ayaan u dirayaan Beelaha walaala ah. Tan xigta, waxaan leenahay joojiya dagaalka. Nabada halaga shaqeeyo. Waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa," ayuu yiri.

Baaq gudoomiyaha Aqalka Sarre mid lamid ah waxaa Arbacada maanta ah diray Gollaha Shacabka, kaasi oo ku booriyay dhinacyadda is haya inay wadahadal ku xaliyaan colaadooda oo noqotay mid daxaleysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM