Aqalka Sare oo dib u celinaya sharci uu u soo gudbiyay Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laalaya sharciga xuquuqda siyaasiyiinta ee uu u soo gudbiyay Golaha Shacabka, sida ay ku dhawaaqeen Senator-o.

Mudanayaal ka tirsan Golaha Senate-ka ayaa sababta ku sheegay in ay jiraan xeerar kale oo ay tahay in muhiimada koowaad la siiyo.

Sharciyada muhiimka ah ee loo baahan yahay in la horkeeno ayay ku tilmaamay midka doorashooyinka iyo la dagaalanka argagaxisada.

"Marka aan eegno xaalada siyaasadeed iyo tan amni ee dalka ku jiro, waan ka [labalabeynayay] in aan ka hadlo xeerkaan," ayuu yiri Senator Mahdi Shiikh Ali Nuur. 

Bishii December 2018-kii ayuu Aqalka Hoose cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay sharciga xuquuqsiinta siyaasiyiinta xilalka haya iyo kuwii hore.

"Hadii ALLE raali ka noqdo marka la gaaro in Goluhu ka doodo xeerkaan, waan laalayaa," ayuu raaciyay Xildhibaanka oo kamida Guddiga xeer-hoosaadka.

Senator Mashruuc oo kamida Aqalka Sare ayaa xoojiyey sida loogu baahan yahay in la meel-mariyo sharciga la dagaalanka argagaxisada.

"Dalka haatan malahan xeer qabanaya dadka kasoo mid ahaa argagixisada oo qaarkood hadda siyaasiyiin ah, sirdoonkana ku milmay," ayuu xusay.

Sharciga la dagaalanka argagixisada ayaa Golaha Shacabka horyaala tan iyo saandkii 2015-kii markaasi oo akhrinta koowaad la marsiiyay.

Lama ogga sababta dhabta ah ee keentay in muddo intaasi la eg uu hindise sharciyaadkaan u meel-marin la'yahay Aqalka Hoose.

Hasayeeshee, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sababta ay tahay in ay ku jiraan qodob cul-culus oo sharcidejiyaasha kusoo noqonaya.

Hadalka mudanayaasha ayaa imaanaya iyada uu hakad ku jiro wadasheynta labada Aqal, taasi oo dharbaaxo ku ah howlaha muhiimka ah ee qaranka horyaala.

Soomaaliya, dal kasoo kabanaya colaad, ayaa khatarta ugu wayn ee uu wajahayo waa argagixiso, kuwaasi oo weeraro khasaaro geysta ka fuliya caasimada.

Arbacadii shalay ahayd, laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyootay illaa iyo afar ruux xili ay ku dhaawacmeen tobanaan kale. Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaana sheegatay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM