Aqalka Sare oo ic-laamiyay shir lagu soo afjaro khilaafka dalka ka jira

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland shir lagu soo afjaro khilaafka sii dabadheeraaday ee wadanka ka jira.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daboolka ka qaaday in shirkaan oo uusan shaacin waqtiga uu qabsoomayo ay kasoo wada qaybgeli doonan dhinacyada is-khilaafsan ee dowlda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in socdaalka uu ku tegay xarun goboleedka Jubadda Hoose uu yahay lugta koowaad safar uu ku tegi doono xarumaha dowlad goboleedyadda dalka.

Madaxda maamuladda iyo kuwa dowlda Federaaladda ayuu ku tartarsiiyay inay muujiyaan tanaasul wayn si loosii ambaqaado geedi-usocodka dowladnimada dalka, oo haatan meel wanaagsan mareysay.

"Socdaal ayaan ku mari doonaa maamuladda...Shir ayaana isugu keeni doonaa oo ay kasoo wada qayb galaan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada....Madaxduna waxaa looga baahan yahay inay tanaasulaan," ayuu yiri Cabdi.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa imaanaya xili shirkii ugu dambeeyay oo ay ku yeesheen maamulada magaalada Garowe ee caasimada Puntland ay shaaciyeen shirwayne looga arrin-sanayo aayaha wadanka ayna kasoo muuqanayaa dhinacyo badan.

Lama ogga sida ay isku qaban doonan labadaasi shir – Su’aalaha lays waydiin karo waxaa kamid ah hadii midka dowld goboleedyaddu uqorsheeyeen inuu ka dhaco Dhuusamareeb uu baaqan karo ama in kale.

Intaas waxaa dheer in maamuladda qaarkood ay galayaan doorasho, sida Puntland - Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo aanan wali caddeynin hadii uu Murashax yahay balse si hoose u wata olalihiisa doorashadda.

Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusul-duub ugalay sidii loo dhameyn lahaa kala ir-dhowga siyaasadeed ee wadanka ka jira, kaasi oo hakad-geliyay dhamaan howlihii qaranka horyaalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM