Aqalka sare oo ka doodi doona khilaafka maamulada Soomaaliya iyo DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Xildhibaanada aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wararka GO ka helayo sheegayaan in ajendayashooda ku dareen iney ka doodaan khilaafka ka dhexjira maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka kaasoo maraya heerkii ugu sareeyey.

Warsidaha GO oo la hadlay qaar ka tirsan Xildhibaanada ayey u sheegeen in laga doodayo qodobada ku jira warmutiyeedyadii ugu dambeeyey ee kasoo baxey maamulada Soomaaliya kuwasoo ka hadlayey qodobo masiiri ah kuwasoo u baahan in laga gaaro xaal waara.

Golaha ayaa la filayaa sida Garowe Online fahansan yahay iney go'aan ku gaaraan iney magacaabaan guddiyo dhexdhexaadiya labada dhinac. Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka oo ka kooban 54 xubnood ayaa ka mudanyaashiisa waxaa soo magacaabey maamulada Soomaaliya.

Xiriirka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa xumaadey tan iyo intii Madaxweye Farmaajo xilka wadanka qabtey iyadoo la rumeysan yahay inuu qayb ka yahay agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasiin oo isagu markii uu ka shaqeynayey dalka Qadar ( Talefishinka Al Jazeera) aan qarsan diidamdiisa ku aada nidaamka Federaalka.

Barlamanada Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigey kulan Madaxweyne Farmaajo damacsanaa inuu la qaato maanta 21 October, 2017 labada aqal oo wada jira kadib markii kulan uu la qaatey Gudoonka labada Gole.

Aqalka sare ayaa u balansanaa dooda qodobadaan maanta balse dib loo dhigey kadib markii balantii Madaxweynaha ee baaqatey soo dhexgashey iyadoo Xildhibaanada qaarkood shegayaan in codsigaan uu ahaa mid siyaasdeed ee lagu baajinayey in Barlamanka ka doodo qodobadaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM