Aqalka Sare oo ka fal-celiyay Guddiga uu magacabay Kheyre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u magacaabay inuu Gollaha kala shaqeeyo xalinta khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyadda.

Gudoomiyaha Aqalka Odayaasha ayaa tibaaxay in talaabada xukuumadda ay siineyso Gollaha fursad uu sheegay inay ku howlgali karaan, si ay usoo afjaraan xiriirka cakiran ee dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaan uga mahad-celinaynaa inay nooga soo jawaabeen codsigeena, taasi oo nasiineysa fursad aan ku howlgalno,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale, Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa fahfaahin ka bixiyey kulan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah, taasi oo uu sheegay in qodobada looga hadlay ay kamid ahayd jawaabta ay ka heleen xukuumada.

Fadhiga ayuu Cabdi Xaashi intaas ku daray in sidoo kale laysla soo qaaday Ajandayaasha looga hadlayo Kal-fadhiga afaraad ee Gollaha, kuwaasi oo uu xusay in la meel-mariyay, inkasta oo uusan fahfaahin.

“Sida aad la socotaa dal kasta oo qaata nidaamka Federaalka waxaa waajib ah inuu yeesho Labo qal. Aqalka Sarre wuxuu isku taagay inuu xaliyo khilaafka hadda taagan, halkeena ayaan kasii wadi doonaa,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Tan iyo markii ay Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda ku dhawaaqeen inay xiriirka ujareen Villa Soomaaliya waxaa sii xoogaysanayey khilaafka labada dhinac xili ay dhowr jeer eedaymo culus ay warbaahinta isku mariyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM