Aqalka sare oo ka hadlay qaraxyadii Muqdisho, baaqna u diray xukuumada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtadda ah ee Gollaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay maanta Muqdisho ayaa war kasoo saarey qaraxyadii shalay ruxay magaalada Muqdisho.

Fadhiga oo ay soo xadireen inta badan Senetarada ayaa waxaa shir gudoomiyay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Mowliid Xuseen Guhaad, iyadoo looga hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya siyaasadda dalka.

Ajandayaasha ayaa kala ahaa; Dhagaysiga daraasaad ku saabsan nidaamka federalka dalalka kala duwan ee caalamka, doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada iyo Diyaarinta ajandaha kulanka 13aad ee golaha

Kulanka ayaa lagu soo qaaday qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa tacsi waxay u direeyn ehelada dadkii ku geeriyooday weeraradaasi, kuwaasi oo tiradoodu ay gaareyso inta illaa iyo haatan la xaqiijiyay in ka badan 25 ruux oo askar u badan.

Golluhu wuxuu soo jeediyay in meel looga soo wada-jeesto wax kasta oo meel ka dhac ku ah dedaaladda geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya oo ay kamid tahay falalka liddiga ku ah amniga.

Xukuumadda gaar ahaan wasaarada caafimaadka ayay ku tartarsiiyeen inay gurmad ku ku gaarsiiso si deg deg ah dhibanayaasha qaraxyadda, gaar ahaan kuwa waxyeelada la jiifa isbitaaladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyadda qaraxyaddani, xili hay'adda sirdoonka Soomaaliya ay shaacisay inay qabatay labo kamid ah dadkii ku lug-lahaa ama isku soo dabariday weerarada oo yimid xili magaaladu xasilooneed muddo bil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM