Aqalka Sare oo ka hadlay muranka Imtixaanka ee Puntland iyo DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka fal-celiyay muranka dhanka Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga ee u dhaxeeya wasaarada waxbarashada heer federaal iyo Puntland.

Ku xigeenka koowaad ee Afhayeenka Golaha Senate-ka ayaa shaaciyay in Dastuurka qabyada ee wadanka u ogolaanayo Puntland iyo maamulada kale in ay si madax banaan u maamushaan arrimaha waxbarashada, maadaama dalka uusan lahayn Manhaj mideysan.

Senator Abshir Maxamed Axmed [Bukhaari] ayaa ku tartarsiiyay wasiirka waxbarashada heer Federaal, xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare in uu ka shaqeeyo sidii uu u mideyn lahaa nidaamka tacliinta dalka.

Mr Bukhaari ayaa geesta kale uga digay xukuumada federaalka ah in ay ka fogaato "siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka."

Hadalka Mr Bukhaari ayaa kusoo aadaya xili Puntland oo ka jawaabtay eedayn iyo hanjabaad uga timid wasiir Goodax ay soo bandhigtay sababaha ay u diiday ka qaybgalka Imtixaanka ee sanadkaan. [Halkaan kaga bogo warka]

Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka uu Senator Bukhaari soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee uu uga hadlay arrinkaan.

Aniga oo tixraacaya waajibka dastuuriga ee Aqalka Sare sida ku cad Qod. 71 ee Dastuurka Federaalka & waajibkeyga xilgudasho sida waafaqsan Qod. 61aad Faqradiisa 1,3 waxaan cadeynayaa in farriinta halkan ku lifaaqan ee wasiir Cabdulahi Godax ay ka soo horjeedo Dastuurkeena Qod. 54.

Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda & Socdaalka & Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda & xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin.

Hadaba, arrinta tacliinta dalka waxa ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada amaba uu wadaxaajoodku ka furan yahay sida ku cad Qod. 52aad ee Dastuurka ee wasiirka waxbarashadu go’aan kuma laha maareynta waxbarashada #Puntland.

Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada; waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM