Aqalka Sare oo la kulmey Gud. Barlamanada Maamullada dalka

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kula kulmay magaalada Muqdishu Gudoonada Barlamanada Maamul Goboleedyada dalka.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Kulanka uu ahaa mid Isbarasho iyo Is-Xog-wareysi ah, ayaa diirada lagu saarey arrimo dhowr ah oo ku qotoma in labada dhinac uu dhex-maro wada-shaqeyn wanaagsan.

Kulankan oo ahaa midkii ugu horeeyay ayaa ka dhacay Xarunta Aqalka Sare ee Muqdishu.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Gudoomiyaasha Barlamanada dowlad Goboleedyada markii ugu horeysay, isagoo aan safar galin, oo ugu tagin Xaruumahooda.

Aqalka Sare ayaa ka dalbadey Gudoonada Barlamanada maamullada inay usoo gudbiyaan Xog dhab ah, oo la xiriirta caqabadaha hortaagan, si dowladda dhexe ay wax uga qabto baahiyahooda gaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM