Aqalka Sare oo shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhigiisa 4aad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah go'aamiyey in Kal-fadhiga afaraad ee Gollaha uu furmo 10-ka bishaan October, 2018.

Senator Cabdi Kaafi Macalin Xasan, Habdhooraha Golaha Aqalka Sare oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa tibaaxay qodobkaan ku jira Ajandayaasha kulan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah ee Gollaha.

Handhoraha ayaa cod dheer ku qeexay in kulankooda sidoo kale arrimaha ay isla soo qaadeen uu qayb ka ahaa ahayd sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee maamuladda dalka ka jira iyo dowladda dhexe.

Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in guddoonka uu isla gorfeeyey sidoo kale warbixinadii ay soo gudbiyeen Guddiyadii dhowaan oo kala direy caasimada maamuladda, kuwaasi oo qoraalo kala duwan loosoo dhiibey.

Fadhiga afaraad ee Aqalka Sarre oo balanku ahaa inay isla furmaan midka Gollaha Shacabka ayaa dib udhac uu ku yimid xili sababta lagu sheegay amaanka xarunta iyo sababo kale oo farsamo.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 mudane, ayaa ku matala dowladda dhexe maamuladda laga soo doortey, iyadoo mararka qaar dhex-dhexaadiya muran siyaasadeedyada soo kala dhex-gala labada dhinac, inkastoo aysan u awood badnayd sida Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM