Biliqo loo gaystey saldhig ciidamada dalka Kenya faaruqiyeen

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BUSAR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa shacabka Busaar u fasaxday inay qaataan agabkii looga tagey saldhiga ciidamada Kenya ka baxeen Talaadii degaanka Busaar, ee gobolka Gedo.

Sawirada laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka oo la gubey oo dhexyaalla gudaha Saldhiga iyo difaacyadii ciidamada ku jireen, oo qarakood dhulka hoostiisa laga dhisay.

Ciidamada Kenya ayaa saldhiigan ka qabsaday Al-Shabaab sanadkii 2012-dii.

Al-Shabaab ayaa saldhiggan la wareegtay, iyadoo ciidamadii Kenya ee faaruqiyey ay u ruqaansadeen dhanka degmada Ceel-Waaq, iyadoo uu noqonaya saldhiga midkii labaad oo bishan ka baxaan saldhig ku yaalla Gobolka Gedo.

Labadii bishaan March, ciidamada Kenya ayaa banneeyay saldhigoodii Fax-faxdhuun, waxaana lagu micneeyay dib u gurashada mid qeyb ka ah Askarta la dhimayo ee AMISOM.

Warsidaha Garowe Online oo arinkaan wax ka waydiiyey saraaskiisha maamulka Jubaland ayaa waxay u sheegeen in talabdaan aheyd mid la xiriirto qorshaha ciidamada ee deganada laga difaaco karo gobolkaas balse aysan aheyn ciidamadaan oo a baxay dalka.

Al-Shabaab ayaa billowday inay dib ula wareegto si dhib la'aan ah degaanadii dagaalka looga saarey xilligii ay jirtay dowladii uu hogaamainayay Madaxweyne Xasan Sheekh [2012-2016].

Ciidamada xooggan dalka ayaa iyagoo ka gadoodsan mushaar la'aan mudo bilooyin ah waxay ka baxeen dhowr degaan iyo aagagii difaaca gobollada Shabeellooyinka, taasoo dhabar jab ku noqotay qorshaha dowladda Federaalka ee xoreynta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la doortay Febuary 2017, waxa uu shacabka Soomaaliyeed u balan-qaadey inuu Al-Shabab mudo labo sano ah dalka uga saari doono, balse aan jirin illaa hadda hal degmo ama degaan oo ciidamada xoreeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM