Arday ka careysan hakinta Imtixaanka oo dalbaday in la eryo Goodax Bare

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad ay dhigayaan qaar kamida Ardayda dugsiyada Muqdisho ayaa ka socda meelo kamida magaala madaxda dalka Soomaaliya.

Ardayda ayaa ka careysan joojinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee dusiyada sarre ah, kaasi oo loo hakiyey musuq-maasuq iyo xatooyo lagu sameeyay laguna iibiyey suuq madow.

Dibad-baxayaasha oo ku dhawaaqaya hadalo ka dhan ah wasiirka Waxbarashada ayaa ka codsaday ra'iisul wasaare Khayre in uu eryo Cabdullaahi Goodax Barre.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowlada ay rasaas nool-nool u adeegsanayaa dibad-baxayaasha si ay u kala eryaan, wallow aan khasaaro lasoo warin.

Ku dhowaad 30-kun oo Arday ayaa u fadhiisatay Imtixaanka oo bilowday Sabtidii, kaasi oo saddex maalmood ee lasoo dhaafay socday, balse la baaba'shay maalmahaasi.

Wasiir Goodax Barre oo qirtay fadeexada soo wajahaday wasaaradiisa ayaa waxa uu shaaciyey in Imtixaan cusub la qaadi doono 27-da bishaan Maj illaa iyo 31-ka isla bishaan.

Inta uu socdo Imtixaankaasi cusub ayuu ku dhawaaqay wasiirka la xanibi doono guud ahaan baraha bulshadda, oo uu tilmaamay in ay kaalin ka qaateen dhibaatada dhacday.

Tani ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Puntland ay horey uga digtay arrimahaan, ayna codsatay in iyadda ay si gaar ah u maamulato Imtixaankeeda.

Nidaamka waxbarashada Soomaaliya oo haatan ku jira soo kabasho ayaa waxaa lagu tilmaamaa midka ugu liita gobolka, inkasta oo dadaalo kala duwan ay socdaan.

Iyadda oo dalalka kale ay kala siman yihiin xadista Imtixaanka dowladda, haddana waxaa su'aal la iska waydiinayaa qaabka ay ku dhacday in gebi ahaanba maadooyinka la dusiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM