Askar DF u dirtey Eritrea oo "lagu laayey" dagaalkii Tigray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Boqolaal kamid ah askarta ay dowladda Soomaaliya ugu dirtay Eritrea in ay tababar kusoo qaataan dalkaas ayaa ka qeybgalay dagaalkii Tigray, sidda uu shaaciyey sarkaal sirdoonka NISA katirsanaan jiray.

Cabdisalaan Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo u waramay Idaacadda KNN, ayaa shaaca ka dhigay in madaxweyne Farmaajo uu bixiyey amarka ciidamadaas uga dagaalameen gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Mr Guuleed ayaa intaas ku daray in tirada askarta Soomaalida ah ee dagaalkaas ka qeybgashay ay guuto iyo bar ahaayeen – taasoo u dhiganta afar kun.

"Waxyaabaha laga naxo ee nasiib darada ah waxaa ah in la sheegayo in ay dhinteen illaa 400 askar Soomaali ah, boqolaalkana ay dhaawacmeen dhaawacyadoodana la geeyay dhulka Itoobiya iyo Eritrea," ayuu yiri Sarkaalka.

Sidda laga soo xigtay Guuleed oo sheegtay in xogtaan ay la wadaageen saraakiil Itoobiyaan, balse magacyadooda uu soo saxaafada u soo bandhigin, kun kamid ah askartaas oo hal furin loo diray waxaa kasoo laabtey "wax yar".

"Aad baan ugu kalsoonahay in warkaas uu run yahay," ayuu yiri markii la waydiiyey in uu sax yahay macluumaadka uu faafinayo.

Farmaajo ayaa, sidda uu Guuleed shaaciyey, wuxuu askartaas diray isaga oo fulinaya heshiiskii saddex geesoodka ahaa gaar ahaan qodobka xeerinaya in Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea iska kaashadaan sugiga ammaanka.

Hadalka Guuleed ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay warbaahinta kasoo muuqdeen hooyooyin sheegaya in ay ka maqan yihiin wiilal ay dowladda federaalka uga waday tababar iyo qaar lagu duufsaday in Qatar ay ka helaan shaqooyin ay mushahaar wanaagsan ku qaadan doonaan.

Guuleed ayaa ugu baaqay waalidiinta in ay isu yimaadaan islamarkaana ay si wadajir ah ula hadlaan dowladda kula xisaabtamaan dayacaada wiilashooda lagu duufsaday. Wuxuu u balanqaadey in uu kala shaqeyn doonan helida carruurtooda.

Dowladda Soomaaliya oo askarta ugu dirtey Eritrea qaab qarsoodi ah ayaan wali ka jawaabin wararka isa soo taraya. Hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa maamuleysay qaadista ciidamadan loo diray Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM